Taariikhda magaalada barakaysan ee QUDUS
Qudus, jerusalam , baitul-maqdis,sahyuun,
Yaapuus,kaptooliya
Waa magacyada magaaladan lagu yeedho
Waxaa lagu tilmaamaa magaalada ugu qadiimsan aduunka ( OLDEST CITY IN THES WORLD ) waxay dhacdaa mandiqada bariga dhexe gaar ahaan dalka Falastiin cabirka dhulka ay ku fadhido magaaladan waa 126km oo laba jibaaran waana magaalo ay ku noolyihiin dad kudhaw 1milyan oo qof waxaana magaaladan lagu naanaysaa magaaladii nebi Daa'uud C.S ( CITY OF DAVID ) Waa sida ay aamisan yihiin yahuuddu waxayna sheegaan in magaaladan uu aas'aasay nebi DAUUD C.S
Furaha numberka laga isticmaalo waa
+972-2****
Hadaba magaaladan bal taariikhda oo kooban dib uraacno
Waxay jirtay in ka badan 5kun sano ka hor waxay xaruun unoqotay diimaha
YAHUUDA , ISLAAMKA , KIRISHTANKA
Kitaabka tawraad ee yahuda waxaa magaaladan lagu xusay 680 jeer
2,500 sano ka hor miilaadiga waxaa magaaladan degay qabiilo lagu magacaabo REER KANCAAN oo ahaa qabiilo carbeed kuwaas oo kasoo farcamay dhashii nebi
NUUX C.S
1,600 sano ka hor taariikhda miilaadiga waxaa magaaladan ka talinayay FARAACINTII MASAR
Waxaana talada uga danbeeyay magaaladan yahuuda oo magaaladan ka talineysay 73 sanadood oo xiriir ah
Miilaadiga ka hor yacnii 977 sano ka hor inta aanu dhalan nebi Ciise waxaa magaaladan gacanta ku dhigay oo talada magaaladan qabsaday NEBI DAAUUD C.S
40 sano oo uu ka talinayay nebi Daa'uud magaaladan waxaa talada magaaladan dhaxlay nebi
SULEYMAAN C.S oo isna waxa uu magaaladan ka ariminayay 33 sano
Kadib intaa 33 sano oo ka talinayay nebi
Suleymaan C.S Qudus waxaa iskaga kala danbeeyay boqortooyooyinkii kala ahaa
BABILYOON ( IRAQ )
BERSHIYA ( IRAN )
ROOMAANKA ( ITALY )
kadib taariikhdu markay ahayd sanadkii 621 miilaadiga magaaladan waxay marti galisay habeen ka duwan habeennadii soo maray magaaladan intay jirtay waana habenkii uu magaaladan yimi aduunka qofkii ugu khayrka badnaa waa Suubanaheena MUXAMMED
( nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato )
Waana habeenkii uu halkaas ku tujiyay 24 nebi ee alle usoo wakiishay waxyiga
Intaas hayno joogto qaybtan....
0 Comments